Dhageyso: Maamulka Degmada Baydhabo Oo Xaraga Kajaray Dhismo Cusub Oo Kawaanka Lagu soo Kordhiyay.

0
96

Gudoomiyaha maamulka degmada baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (biikoole) ayaa maanta waxaa uu xaraga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay kawaanka weyne ee magalada baydhabo kaasi oo in mudo ah uu ka muuqday bur burden iyo nadaafadiisa oo hoos u liidatay,

Dhismahaan cusub ee lagu soo kordhiyay kawaanka ayaa waxaa iska kaashaday maamulka dowlada hoose ee degmada baydhabo iyo hay’ada NRC oo ka qeyb qaadanayso hormarinta arimaha bulshada.

Intaasi kadib oo gudoomiyaha degmada baydhabo Xasan Biikoolo oo lagu wareejiyay ayaa waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in mudo kadib lagu guuleysado dhismaha cusub ee lagu soo kordhiyay kawaanka weyn ee magalada baydhabo, waxaana hay’ada NRC ugu mahadceliyay kaalinta weyn ay ka qaadatay in lahelo kawaan leh goob hilibka lagu iibiyo’ qeyb qudaarta ah nadaafadiisa ay fiican tahay iyo in lagu soo kordhiyo musqulooyin oo harey ugu yaalin.

Qaasim Maxamed Aadan oo ah madax xafiiska NRC koonfur galbeed ayaa dhankiisa waxaa uu sharxaad ka bixiyay dayactirka ay ku sameyeen kawaan weynaha degmada baydhabo iyadoo hay’ada NRC kaashaneyso maamulka dowlada hoose ee degmada baydhabo iyo gudoomiyaaha xaafadaha degmada baydhabo ay ka kooban tahay.

madax xafiiska NRC koonfur galbeed QaasimMaxamed Aadan ayaa waxaa uu sheegay in mar weliba hay’ada NRC u taagan tahay sidii ay u dabooli laheyd baahiyaha ay qabaan shacabka koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in dhawaan sidoo kale mashruucooyin kale ay ka fulin donaan degmada baydhabo.

Maamulka degmada baydhabo oo gacan kahelaayo hay’adaha ka shaqeeya arimaha bulshada ayaa waxaa uu sidii loo hor marin lahaa adeegyada bulshada.

Halka Hoose Ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here