XOG: Real Madrid Oo Diwaan Gashatay Rikoodh Ka Maqnaa Muddo 31 Sano Ah, Muxuu yahay?

0
122

Waxa ay 31 sano ka soo wareegtay markii ugu dambaysay ee Real Madrid laga dhaliyay kaliya 12 gool 18 kulan oo horyaalka La Liga Ah.

Kaliya Kooxda Atletico Madrid ayaa ah kooxda ka yar Real Madrid goolasha ilaa haatan laga dhaliyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana ay arintaas uga mahad celinayaan Goolhayaha qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira ee Thibaut Courtois & waliba Goolhayaha kale ee Alphonse Areola.

Goolhayayaasha haatan ee Thibaut Courtois and Alphonse Areola ayaa laga dhaliyay isla goolashii laga dhaliyay Goolhayayaashii kooxda Soo maray ee Francisco Buyo, Agustin Rodriguez & Jose Manuel Ochotorena xilli ciyaareedkii 1987/88 taas oo ah 18 gool.

Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan Goolhaye Courtois ayaa shabaqiisa ilaashaday 7 kulan oo horyaalka La Liga ah halka uu Areola shabaqa ilaashaday hal kulan.

Labadii jeer ee hore ee kooxda Real Madrid laga dhaliyay goolal ka yar 18 gool ayaa ah xilli ciyaareedkii 1961/1962 iyo 1971/1972 markaas oo laga dhaliyay 11 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here