Maxaa Ka Cusub Degaanka Goofgaduud Buuray.

0
80

Xaalada degaanka goofgaduud oo katirsan degmada baydhabo ayaa saaka degan kadib markii shalay duleenka degaankaasi ay ku dagalameen ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qeybta 60’ aa dee gobolka baay.

Ciidamada ayaa waxay dib ay ugu laabteen baraha kontoroolada iyo meelihii kale ee ay ka jogeen degaanka goofgaduud waxayna si buuxda ay ula waregeen guud ahaan degaanka goofgaduud buuray, waxaana dadka degaanka ay shegayaan in ciidamada ay dhaqdhaqaaqyo kawadaan tulooyin kusoo dhow degaanka si ay u xaqiijiyaan amaanka.

Waxaa si toos ah ufuran suuqyada degaanka iyo xarumaha kale ee bulshada in kastoo shacabka ay ka qabsi qabaan in mar kale ay dhacaan dagaal.

Werarkaan ayaa yimid iyadoo maalin ka hor war kasoo baxay taliska qeybta 60’ aad lagu amaray ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed in ay u diyaar garowaan in dagaal lagu qaado degmooyinka iyo degaanada gacantooda ay ku jiraan kooxda al shabaab sidii looga saari lahaa iyo in lafuro waddooyinka loogu cabsi qabo in ay u xirin yihiiin kooxda al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here