Dhageyso: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG ayaa Daahfurey Buugagta Manhajka Cusub ee Dugsiyada Hoose iyo Dhex.

0
85

Munaasabad lagu dahfuraayay qeybinta bugaagta cusub manhajka dugsiyada hoose iyo dhaxe ay soo qab qaabisay wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa waxaa manta magalada baydhabo si toos ah ugu dahfuray madaxweynaha Kg Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)

Munaasabadaan koobaneed ayaa waxaa kazoo qeygalay gudoomiyaha baarlamaanka KG Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye Labadiisa kuxigeen xildhibaano iyo wasiiro ka kala tirsan Dowlada federaalka soomaaliya Iyo Kuwa KG maamulada iskuulada iyo maclimiinta iskuulada magalada baydhabo.

Intii ay socotay munaasabadaan ayaa waxaa looga hadlay muhiimada ay leedahay waxbarashada iyo faaidada ay uleedahay manhajyada cusub ardayda.

Qaar kamid ah maamulada iskuulada magalada baydhabo oo ay kamid ahayeen ka qeyb galiyaasha furitaanka manhajkaan cusub ayaa soo dhaweyeen iyagoona u mahadceliyeen wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Xildhimaan Aadan Madoowe oo kamid ah baarlamaanka DFS ayaa waxaa uu sheegay in gobolada KG ay ka jiraan hormaro waxbarasho, asigoo sheegay in olalihii madaxweyne lafta gareen ay aheyd in lahormariyo waxbarashada dugsiyada KG taasina manta muuqata mira dhalkeeda.

Wasiirka wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada manhajkaan cusub.

Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay mudada halka sano ah waxyaabaha ugu qorsoomay dhanka waxbarashada, wuxuuna soo hadal qaaday in la tayeen doono iskuulada gacanta ay ku heyso wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay iyadoo iskuulada kale ee kuyalaan goboladaan KG meesha uga baxeynin in lakor dhiyo iskuulada lacag la’aanta ah uu maamuli doonto wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here