Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystey ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay dagaalkan oo u dhaxeeyey Al-shabab iyo ciidanka dowlada ayaa waxaa uu bilowdey saakey aroortii hore kadib markii ay Al-shabab weerar kusoo qaadeen halkaasi.
Saraakiisha dowlada oo warbaahinta lahadleya ayaa waxaa ay xaqiijiyeen inuu jiro khasaare dhankood kasoo gaarey degaalka ay halkaasi kula galeen Al-shabaab islamarkasina ay hada guud ahaan kasaareen deegaanka xoogaga Shabaabka ah ee soo weerarey deegaankaasi.
Hada xaalka deegaanka ayaa degan waxaana hada gud ahaan amaanka Goof-gaduud sugaya ciidamada dowlada somalaia iyo kuwa KG oo iskaashanaya.