Wararkii Ugu Dambeeyay Dibad-Baxayaal Lagu Laayay Hindiya

0
145

Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dilay waqooyiga dalka Hindiya iyada oo ay weli halkoodi ka sii socdaan mudaharaadyada looga soo horjeedo sharciga muranka badan uu ka dhashay ee muwaadinimada ee ay soo saartay dowladda Hindiya.

Taliyaha booliska Uttar Paradesh OP Singh wuxuu wakaladda wararka ee Reuters uu u sheegay iney 32 qof oo kale ay iska horimaadyadaasi ku dhaawacmeen.

Inta ay rabshdaha salka ku haya sharciga faquuqaya muslimiinta ee ay dowladda Hindiya meel marisay socden waxaa ku dhintay 13 qof.

Mudaharaadayaashana waxay halkooda ka sii wadaan dibadbaxyadooda iyada oo ay boolisku sheegeen in la mamnuucay dibadbaxya in waddooyinka laga sameeyo.

Xirfadlayaasha caafimaadka iyo qaar ka mid ah booliska oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay waxay sheegeen dadka rabshadahaasi ku dhintay 5 ka mid ah iney ku dhinteen gobolka Uttar Paradesh Jimcihi ayna u dhinteen rasaas ay ciidamada booliska ku soo rideen.

Hase yeeshee, taliyaha booliska gobolkaasi Mr Singh ayaa diiday mudaharaadayaasha Jimcaha dhintay iney u geeriyoodeen rasaas ay ciidamadiisa ku soo rideen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here