Kabtanka Kooxda Liverpool Jordan Henderson oo kalsooni ka muujiyay in ay ku guuleysan doonto koobka kooxaha adduunka.

0
172

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa xaqiijiyay sida uu u adag yahay kulanka finalka koobka kooxaha adduunka ay kula ciyaari doonaan naadiga reer Brazil ee Flamengo.

Kooxda Liverpool ayaa barri oo Sabti ah ku wajihi doonta naadiga reer Brazil ee Flamengo finalka koobka kooxaha adduunka oo haatan lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Jordan Henderson ayaa kahor kulanka soo aadan ee Liverpool wuxuu wareysi ku bixiyay website-ka rasmiga kooxda wuxuuna yiri:

“Waxaan halkaan u nimid inaan ku guuleysano koobka kooxaha adduunka”.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano koobka, waxaan rajeeneynaa inaan guuleysano ciyaarta barri, waxaan mar kale la kulmi doonaa koox adag, sida dhacday kulankii lasoo dhaafay oo kale”.

“Sidaas darteed wuxuu noqon doonaa kulan kale ee adag, laakiin waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodi karno, si aan guul u gaarno isla markaana aan ugu guuleysano koobka”.

Waxaa xusid mudan in Liverpool aysan waligeed ku guuleysan koobka kooxaha adduunka, madaama ay guuldarro 1-0 ah kala kulantay kooxda Sao Paulo sanadkii 2005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here