Baydhabo caawa waxaa ka socda Munaasabada Sanad Guurada Madaxweyne Lafta-Gareen.

0
169

Magaalada Baydhawa waxaa ka socda Diyaargarowgii Ugu Danbeeyey Ee ku Aadan Munaasabad loogu Dabaal Degaayo Hal sano Guuradii ka soo Wareegatey Markii La Doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.


Baydhowa waxaa ku Sugan Wafuud kala Duwan oo Ka Socda Dowlada Faderaalka Soomaaliya Oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, Madax kale ka Socda Maamul Goboleedyada Dalka, Madaxda Maamulada Gudoomiyaasha iyo Degmooyinka KGS, Fanaaniinta Kooxda Onkod, Waabari iyo Marti Sharaf kale.


Xaflada Ayaa Inta Socto lagu Soo Bandhigi Doonaa Khudbado kala Duwan oo looga Hadlaayo Waxqabadka Lafta-gareen iyo Xukumadiisa.


Waxaa sidoo kale Su’aalo lagu Weydiin Doonaa Xaflada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Xasan Maxamed lafta Gareen Maadaama Hal sano u Buuxsantey Maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here