Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Somalia Oo Gaaray Kismaayo

0
84

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta oo Tallaado ah waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka irsan Maamulka Puntland iyo xubno kale oo halkaas ku sugan.

Inta ku sugan yahay James Swan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kulan la qaadan donaa Madaxweynaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan.

Warar ayaa intaas ku daraya in labada dhinac ay sigaar ah uga wadi doonaa Khilaafka ka dhashay dib u Doorashii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulkaas.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya u tegay Magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo soo doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here