Dowladda Oo Heshiis Dhex-Dhigtay Beelo Ku Dagaalamay Gobolka Mudug

0
83

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay heshiisiinta Beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanadda Toowfiiq iyo Afbarwaaqo

Kulamo aan loo kala kicin oo ka kala qabsoomay  deegaanadda  Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi.

aliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiisha kale ee Xoogga Dalka ayaa kuhowlan in aysan dib usoo noqon colad beeleedyada kadhacay degaanadaasi.

Dhanka kale Taliyaha iyo wefdiga saraakiisha ah ee la socday ayaa bilaabay qorshe lagu qarameynaayo maleeshiyaadkii halkaasi ku dagaalamay, si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee dalka, isla markaan uga qeyb qaataan xoreynta deegaanada weli ku jira gacanta Al-shabaab.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaanada Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ee bariga Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 ruux, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here