War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegey mowqifka guud ee maamulka Hirshabeele uu ka qabo nooca doorasho ee dalaka ka dhacaya 2020-2021.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne waare oo aad u dheeraa isla markaana taabaneyey meelo badana ayaa waxaa uu ka koobnaa 6lix qodob kuwaasoo dhamaantood quseeyey mow-qifka maamulka Hirshabeele ee doorashada dalaka.
Dulucda warsaxaafadeedka ayaa waxaa ay u muuqatey cabsi laga qabo in ay dowladu samayso mudo kororsi si ay hirshabeele u cadeyso mow-qif keeda ee doorashada.