Hanti Dhowraha Somalia oo sheegey in musuq maasuqa uu qeyb kayahay dowlad diidnimada.

0
118

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye ayaa sheegay in musuq maasuqa uu dhibaatooyin badan ku yahay dowladnimada Soomaaliya,sida Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo howlaha bulshada loo haayo.

Isaga oo hadal ka jeedinayey Munaasadda Maalinta la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayuu sheegay in la-dagaalanta musuq maasuqa uu yahay calaamada ugu dambeysa ee wadaninimo,isla markaana dadka ku dhiirigelisa dhaqanka dowlad wanaaga.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay ay dardar gelisay sidii ay u bedeli laheyd dib u abuurida xeydaabka shuruucda si loola jaanqaado horumarka Qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here