RUUX KA TAKA SALAADDU WAA GAAL. من ترك صلاة متعمدا فقد كفر

0
224

Waxaan qorayo waa baadhis aan ku samaynayo diinta Islaamka aniga oo raba in aan ka sal gaadho oo aan ku qanco sida xaqa ah ee wax u jiraan iyo sida ay dadku wax u arkaan ama u sameeyaan. Waxaan walaalaha Muslimiinta ah ka codsnaayaa in gacan la igu siiyo cilmi baarista aan doonayo in aan sameeyo. Haddii aan qalad wax u taxliiliyana la iga joojiyo iyada oo qaladka la i tusayo.

Sida ka muuqata xadiiska kor ku xusan, waxaan maqli jiray in ruuxii gooya ama ka taga salaadu uu gaal yahay. Aniga oo xadiiskaas haysta ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii yimid wiil aan dhalay. Wuxuu ii sheegay in uu doonayo in uu guursado aanna lix bilood ka dib aan u diyaar garoobo in aan gabadh u doono. Waad fiican tahay ee ma tukataa ayaan ku dhahay wuxuu iigu jawaabay wiilkaygu maya ee waan tukanayaa. Haddii aadan tukan meher Islaam ah ma geli kartid ayaan ku idhi ee tuko wuxuu ee yidhi waa tahay.

Markii ay hal bil ka hadhay ayuu ii soo laabtay aabe hal bil ayaa ka hadhay mudadii aad gabadha ii dooni lahayd. Waan gartay ee salaaddii ma tukatay ayaan weydiiyey wuxuu yidhi maya ee waan tukanayaa, aniga oo cadhaysan ayaan ku dhahay ogow haddii aadan tukan gaal baad tahay gabadh muslimad ahna kuu dooni maayo ee tuko wuxuu igu yidhi waa  tahay.

Markii uu iga dhaqaaqay ayaan teleefan u diray shiikh aan saaxiib nahay oo aan arrinkii u soo bandhigay, wuxuu shiikhii ugu yidhi “haddii uu wiilku qodobka Salaadda ee arkaanta Islaamka uu xaqnimadiisa aaminsan yahay ee ay salaaddu uga tagtay caajis iyo dhallin yarenimo waa muslim waan loo meherinayaa gabadha.

Waxaa la gaadhay maalinkii gabadha la meherinayey ee la doonayey, waxaan agta ka fadhiistay shiikhii meherka samaynayey oo aan ahayn kii aan horya ula hadlay. Waxaan u sheegay in wiilka uu gabadha ku meherinayaa uusan tukan xadiiskana waan u xusay markaas. Wuxuu shiikhii iigu jawaabay sidii shiikhii hore oo kale.

Gabadhii waa la nikaaxay, reerkiina waa guri galay الحمد لله  Ilaahay wuxuu kala siiyey ubad wanaagsan. Waxaase dhacday aniga oo maalin ku jira youtubeka ayaan la kulmay Sh. Dr. Omar oo Masri ah oo su’aalo la weydiinayo. Waxaa soo wacay wiil dhallin yaro ah wuxuu weydiiyey shiikhaw aniga in aan waalidkay adeeco ayaa la ifaray, waxayna doonayaan in ay ii guuriyaan gabadh aan tukan ma ka yeelaa?

Sh. Omar wuxuu ku jawaabay maya ha ka yeelina isaga oo xadiiskan daliishanaya. Aniga marka waa naxay waxaa ii muuqatay wixii ay culumada Soomaalida ahi sheegeen iyo waxa uu sh Omar sheegayo in ay kala duwan yihiin. Markaas ayaan bilaabay in aan baaritaan sameeyo, waxaan soo helay xadiiskii odhanayay ruuxii salaadda gooyaa waa gaal.

Wuxuu sheegay لإمام ابن حزم الأندلسي

وقد جاء عن عمر، وعبد الرحمن بن عوف، ومعاذ بن جبل، وأبي هريرة، وغيرهم من الصحابة -رضي الله عنهم- أن من ترك صلاة فرض واحدة متعمداً حتى يخرج وقتها فهو كافر مرتد، ولا نعلم لهؤلاء من الصحابة مخالفاً

Cumar, Cabdiraxman Bin Coof, Macaad Bin Jabal, Abii Hurayrata iyo asxaabtii dhammaantood isku raacsanaayeen in ruuxii si ula kac ah uga taga salaad waajib ah oo aan tukan ee ay sidaas ku baxdo in uu yahay gaal diintii Islaamka bannaanka ka ah, mana arag ruux ka mid ah saxaabadii rasuulka oo arrinkaas sidaas ka duwan qaba.

فقد سُئل فضيلة الشيخ العلامة/ عبد العزيز ابن باز – رحمه الله – عن الحكم إذا ترك صلاة واحدة فأجاب فضيلته:

Waxaa sh. Cabdul Casiis Ibna Baaz naxariistii janno Alle ha siiyee la weydiiyey, xukunka ruuxii kas uga taga hal salaad waajib ah, wuxuuna ku jawaabay:

صلاة واحدة أو عشر إذا تركها عمداً حتى ذهب وقتها مثل الفجر حتى طلعت الشمس عمداً كفر، وعليه التوبة إلى الله، أو ترك العصر حتى غابت الشمس، أو العشاء حتى طلع الفجر هذا كفر على الصحيح في أقوال العلماء، نسأل الله العافية والسلامة. اهــ

Hal salaad ama toban haddii kas looga tago ilaa uu waqtigeedii baxo sida salaadda subax ilaa ay qorraxdu soo baxdo oo kas loo sameeyo waa gaaloobay  qofkaasi, hase yeeshee toobad uu Alle u soo laabta ayaa u bannaan, ama uu casar ka tago uusan tukan ilaa qorraxdu ka dhacay, ama uu salaad cishe tukan waayo ilaa fajarka, waxaa sax ah in uu qofkaas ku dhacay gaalnimo oo uu gaaloobay sidaas ayay culumadu isku raacsan yihiin.

وقد رد فضيلة الشيخ العلامة/ محمد بن صالح العثيمين – رحمه الله – على ذلك الكلام فقال عندما سُئل عن من يصلي أحياناً هل يكون كافراً؟ وكذلك الصيام؟ فأجاب فضيلته:

Waxaa arrinkaas ka soo hor jeestay oo diiday Sh. Muxammad Bin Saalax Al-Cuthaymiin naxariistii janno Alle ha siiyee, wuxuuna yidhi mar la weydiiyey ruux mararna tukada mararna ka taga salaadda  in uu gaal yahay iyo in kale, iyo sidaas oo kale soonka wuxuu ku jawaabay.

إن كان يفعل ذلك إنكاراً للوجوب والفرضية ، أو شكاً في الوجوب فهو كافر ، كافر من أجل شكه في الوجوب أو إنكاره لوجوب هذا الشيء ، لأن فرض الصلاة والصيام معلوم بالكتاب والسنة ، وبالإجماع القطعي من المسلمين ، ولا ينكر فرضيته أحد من المسلمين إلا رجلاً أسلم حديثاً ولم يعرف من أحكام الإسلام شيئاً فقد يخفى عليه هذا الأمر .
إما إذا كان يترك بعض الصلوات أو بعض أيام رمضان وهو مقر بوجوب الجميع فهذا فيه خلاف بالنسبة لترك الصلاة ، أما الصيام فليس بكافر ، فلا يكفر بترك بعض الأيام بل يكون فاسقاً .
ولكن الصلاة هي التي نتكلم عنها ، فنقول : 
اختلف العلماء القائلون بتكفير تارك الصلاة هل يكفر بترك فريضة واحدة ، أو فريضتين ، أو لا يكفر إلا بترك الجميع؟
والذي يظهر لي أنه لا يكفر إلا إذا ترك الصلاة تركاً مطلقاً بمعنى أنه كان لا يصلي ، ولم يعرف عنه أنه صلى وهو مستمر على ترك الصلاة ، فأما إذا كان أحياناً يصلي وأحياناً لا يصلي مع إقراره بالفرضية فلا أستطيع القول بكفره ، لأن النبي صلى الله عليه وسلم يقول : ” بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة ” ، فمن كان يصلي أحياناً لم يصدق عليه أنه ترك الصلاة ، والحديث الثاني : ” العهد الذي بيننا وبينهم الصلاة فمن تركها فقد كفر ” . ولم يقل ” من ترك صلاة فقد كفر ” ، ولم يقل ” بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك صلاة ” ، بل قال : ” ترك الصلاة ” ، فظاهره أنه لا يكفر إلا إذا كان تركها تركاً عاماً مطلقاً ، وأما إذا كان يترك أحياناً ويصلي أحياناً فهو فاسق ومرتكب أمراً عظيماً ، وجاني على نفسه جناية كبيرة ، وليس بكافر ما دام يقر بفرضيتها وأنه عاص بتركه ما تركه من الصلوات ، أما تاركها بالكلية فهو كافر مرتد عن الإسلام ولو كان تركه إياها تهاوناً وكسلاً كما يدل على ذلك الكتاب ، والسنة ، وأقوال الصحابة بل حكاه عبد الله بن شقيق إجماع الصحابة ، وحكى الإجماع عليه إسحاق بن راهويه. اهـــ

Hadalku waa dheer yahay hase yeeshee waan soo koobayaa, wuxuu sh. Muxammad Bin Cuthaymiin yidhi, sidii ay culuamda Soomaalidu igu dheheen, wuxuuse ku daray qofkii gebi ahaanba aan tukan waa gaal. Wuxuu soo qaatay بين الرجل وبين الشرك والكفر ترك الصلاة qofka iyo shirkiga iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya salaadda. Wuxuu kale oo shiikhu soo qaatay العهد الذي بيننا وبينهم الصلاة فمن تركها فقد كفر heshiiska annaga iyo iyaga noo dhexeeyaa waa salaadda oo laga tago ee ma uusan odhan rasuulku ruuxii aan tukani waa gaal,  sidaas darteed haddii uusan salaad oo dhan ka tegin kuma gaaloobayo laakiin ruuxii gebi ahaanba aan tukani waa gaal.

Intaasi waa intii uu rasuulku sheegay iyo aragtidii culumada.

Marka waxaan anigu lee yahay:

Haddii uu qofku aaminsanayn xaqnimada rukunka salaadda ee arkaanta Islaamka ma dhici karto in uu tukado waayo ma aaminsan xaqanimada qodobkaas, sidaas darteed waa gaal. Marka qofka la lee yahay haddii aadan tukan waxaad gaaloobaysaa waa ruux rukunka salaadda xaqnimadiisa rumaysan oo muslim ah. Ruux aan muslim ahayn salaad tuko lama odhanayo.

Waxaan ku raacsanahay oo maan gal ah in ruuxii hal salaad oo waajib ah kas uga tagaa uu gaaloobayo, ama haddii uu saddex salaadood oo isku xigta uu ka tago uu ku gaaloobayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here